Home Afsomali WQ Yuusuf Garaad Cumar Masuuliyiintii somalia u matalayey Dacwada badda oo gaaray...

WQ Yuusuf Garaad Cumar Masuuliyiintii somalia u matalayey Dacwada badda oo gaaray Magaalada Hague

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ku matalaya dacwada soohdinta aan la wadaagno Kenya ee Badweynta India oo uu horkacayo Ku Xigeenka Ra’iisal Wasaaruhu maanta waxay soo gaareen magaalada Hague oo ay ku taal Maxakamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu, ICJ.

Waxaan fursaddan uga faa’iideysanayaa in aan u mahadceliyo walaalaha Soomaaliyeed ee feejignaanta, isku duubnida iyo muujiyay ducada xagga taageerada qaddiyadda badda ee baaxadda iyo kheyraadkeedu uu ka dhaxeyo iyaga iyo ubadkooda.

Walaalaha Soomaaliyeed ee maanta wardoonka ay xaqa noogu leeyihiin ka soo doonay aniga iyo xubnaha kale ee wafdiga, intooda aynaan is helin, oo ay ku jiraan weriyayaal, waxaan u gudbinayaa raalli gelin.

Waxaan leeyahay iga raalli ahaada.

Waxaan codsanayaa oo ii sahlan in xiriirku uu ahaado farriin qoraal ama cod ah maaddaama aan shaqo ku jiro, ahayna musaafir yimid dal uu Corona adkeeyay nolosha.

Waxa keliya oo aan hadda kula wadaagi karaa waa dareenkeyga ah in aan ku qanacsan ahay aqoonta, khibradda iyo diyaar garowga mas’uuliyiinta iyo qareennada matalaya Soomaaliya iyo taageerada ay ka haystaan madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.