Home Afsomali Maxaa ka jira wararka sheegaya shil dayuuradeed oo ka dhacay gudaha dalka...

Maxaa ka jira wararka sheegaya shil dayuuradeed oo ka dhacay gudaha dalka Somalia ?

War saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderaalka Somalia ayaa lagu sheegay inuusan jirin shil dayuuradeed oo ka dhacay gudaha dalka.

Hadalka Wasaaradda ayaa yimid ka dib markii qaar ka mid ah warbaahinta ay faafisay warar sheegaya shilal dayuuradeed oo ka dhacay gudaha dalka

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA WASAARADDA..

Muqdisho, November, 29, 2023- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, oo kaashanaysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Somalia  waxay xaqiijinaysa inuusan jirin shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Dhammaan diyaaradaha ka shaqeeya garoommada dalka iyo kuwa adeegsanayay hawada Soomaaliya ayaa si nabad ah ku gaaray halkii ay ku socdeen, iyadoo aan la soo sheegin wax shil ah 24-kii saac ee la soo dhaafay. War kasta oo warbaahinta gudaha ay ku sheegto inuu shil diyaaradeed dhacay, waxaa loo qaadan doona mid aan xaqiiqo ahayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.