#VILLA_RAYS. Shaki ma jiraa?
Qaar ka ami ah masuliyiinti hotel villa rays ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii looga shakiyey in ay bixiyeen amarka uu gaarigu ku soo dhaafay xeendaabka ilaalada taas oo ah shakiga ugu weyn ee sababtay soo galida ciidanka weerarka geystay iyo gaariga ay la socdeen dhanka kale
Xariga masuuliyiinta ayaa dadka qaarkii soo dhaweeyeen halka kuwa kalana ay ka soo horjeedaan xarigioda balse la ogaa doonee
Shan kale Hotel Villa Rays waxaa kulan ku yeeshay maalinkii sabtida ahayd wasiirada iyo Xildhibanada beesha Sade oo iska waraystay saami siyaasadeed ka maqnaa beesha iyo xubno wasiiradu kamid yihiin oo ku maqnaa jawaabna laga sugaayay…
Kulankii sabtida wuxuu kusoo idlaaday in madaxda dawlada u saraysa aysan usoo jeedin xalinta tabashada beesha, Waliba waxay soo kordhiyeen dhiillo cusub oo ah in shaqsiyaadkii dawlada u shaqaynaayay ee beesha la beegsanaayo si toos ah xildhibaanadana looga baahanyahay inay qaataan doorkooda si loo badbaadiyo dadka la beegsaday kuwa maqana aanan looga harinin.
Waxaa xigay kulan Axadii uu wasiirka amnigu la lahaa aqoonyahan, culumo, qurbajoog iyo Xildhibano hore si uu ugu biiriyo xog ururrintiisa.
Waxaa la filaayay in maalinka isniinta ah uu qabsoomo shir wasiirada iyo duqayda dhaqanka u dhexeeya luguna soo afmeero aragtida siyaasi iyo matalaadeed ee beeshu katabanayso dawladan cusub iyo sida loo xalin karo buuq iyo qaylo la’aan.
Kulanka isniinta waxaa la filaayay in lugu gorfeeyo sababta 6 bilood kudhawaad aysan dawladu uga hadlin ama dawr muuqda uga qaadanin arimaha Jubaland oo ah xujada ugu wayn ee dawladan hortaal.
Wixiiba waxaa layaab ah in gawaari iyo ciidan laga soo daayay irdaha ilaalada madaxtooyada iyo xayndaabkeeda soo gaaraan halkii shirku ka socday, qaraxa kadibna toos loo beegsaday hoolkii shirku ka socday oo waliba intaysan gudaha usoo galin toos ay dabxir ugu sameeyeen hoolka wasiirka iyo xubnihiisu shirka ku lahaayeen waana sababta saddex kamid ah dadkii la shiraayay loogu dilay goobta.
Dhamaan xubnihii wasiirka la shiraayay iyo isagaba waxaa soo gaaray dhaawacyo habakala cuslaadaane, majiro qof uusan dhaawac soo gaarin dhamaantood dhimashana kahadal maba leh.
Saraakiishii & askartii ilaalada ee baraha koontorool ee laga soo gudbay ayaanan ilaa iyo hadeer lugu samaynin shaqa joojin iyo baaritaan toona.