Home Afsomali Maxaa looga hadlay Kulankii Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Maxaa looga hadlay Kulankii Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan  Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa Shir Guddoomiyay Kalfadhiga 2-aad Kulankiisa 12-aad ee Golaha Shacabka BJFS oo ajandihiisu ahaa;

1) Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya

2) Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga Xil. Maxamuud Cabdiraxmaan ‘Beenabeene’ ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga Soomaaliya sidoo kale Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Xil. Maxamed Cali Xagaa ayaa ayaa Golaha ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” in Guddiyada Arrimaha Gudaha & Amniga iyo Guddiga Dhaqalaha Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka BJFS u ku wareejiyo labada Hindise Sharciyeed,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.