Home Afsomali Maxay Ka Wada Hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse Barre Iyo Wasiirka A/Dibedda Japan

Maxay Ka Wada Hadleen Ra’iisul Wasaare Xamse Barre Iyo Wasiirka A/Dibedda Japan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee TICAD8 – Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa Hayashi.

Labada masuul ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso dowladda Soomaaliya.

Wasiir Hayashi ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed – isagoo intaa raaciyay inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku sugan magaalada Tunis ee dalka Tunisia, halkaas oo uu uga qeyb galayo  shirka caalamiga ee TICAD8, ee loo hadlayo horumarinta Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.