Home Afsomali Maxay tahay sababta Dowladda Finland u xiratay Xaduudaheeda?

Maxay tahay sababta Dowladda Finland u xiratay Xaduudaheeda?

Dawladda Finland ayaa ku dhawaaqday inay xireyso xuduudaha ay la wadaagto dalka Ruushka, si ay u hakiso muwaadiniinta Ruushka ee haysta fiisaha dalxiiska Yurub inay dalkeeda soo galaan, ka dib markii kumanaan qof ay dalkooda ka soo galeen dhinaca dalka Ruushka, maalmihii la soo dhaafay.

Amarkan cusub ayaa dhaqan gelaya saqda dhexe ee Khamiistii.

Shir jaraa’id oo uu qabtay wasiirka arrimaha debedda ee Finland Pekka Haavisto ayaa u sheegay weriyayaasha in dawladdu ay u qaadayso tallaabadan, si wax looga qabto xaaladda haatan la soo deristay dalkaas.

“Arrintani waxay halis gelinaysaa xidhiidhka caalamiga ah ee Finland,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha debeddu, isagoo sheegay in dalkiisu uu qorshahan kala hadlay Ukraine iyo dalalka kale, ka hor intii aanu ku dhawaaqin go’aanka.

Tan iyo markii uu toddobaadkii hore ku dhawaaqay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu doonayo inuu abaabulo illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, si ay uga dagaalamaan dalka Ukraine, wadamada xuduudda la wadaaga Ruushka ayaa arkay kor u kac ballaadhan oo ku yimi, dadka ka soo cararaya Ruushka ee soo gelaya dalalkooda.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa, in Finland oo keliya, in tirada muwaadiniinta ee xuduudda ka soo gudbay, in tiradoodu ay kor u kacday illaa 80%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.