Xaafada bakaaro oo aan in badan daganaa waxaay ka mid tahay deegaanada darisku is naco waqtiga roobku da,o hase ahaatee waqtiyada kale ay is jecel yihiin halka baadiyaha iyo meelaha kale ay waqtiga roobka la isjecel yahay waayoo xoolaha ayaa noq raaca oo dadku waxay ku wada mashquul san yihiin cunida neefka hilibka hilibkiisa iyo sidoo kale cabida caanaha xoorka leh
Hadii aan u soo noqdo dulucda ujeedka Maqaalka ayaa ah in dariska reer bakaaro wajiga isu badalaan xiliga roobku yimaado si dadbana la iskugu awood sheegto ha ahaato xaga maamulka iyo xag hantiyadeed walow ay jiraan deegaano badan oo la mid ah ayaan hadana diirada ku saareynaa dhanka suuqa bakooro oo ah suuqa ugu weyn dalka oo dhan
Waxaad arkeysaa guryo biyuhu gudaha u galeen oo habeenkii waqti badanku soo jeeda daadgureynta biyahay ku soo hoyda gurigii raarka
halka kuwa kalena ay dadaal ugu jiraan in ay iska moosaan oo ay sameystaan caro tuur aan biyuhu u soo gudbi Karin xagooda ,
waxaana sii dheer intaa kuwa kale oo wadooyinkii yihihu mari jiraan xiraya oo ku weecanaayo wado cusub .
halkaasina uu ka dhasho ismaan dhaaf la xariira dadaalka ku qotoma dhinba dhan u badi .
Mararka qaar ayaa ismari waaga ka yimaada uu u gudbaa maamulka min waax laan iyo heer dagmo inta badana wuxuu ku dhamaadaa horta la iskama eryee mana ogyihiin ciduhu
Hadaba tii ugu danbeysay ayaa haatan ka taagan guryaha ku dhowdhow suuqa bakaaraha gaar ahaan dhanka cirtogte .
waxaana sawirka idiin muuqda ay diirada saarayaan wadada ka timaada cirtoogta ee tagta ilaa iskuulka maxamuud xarbi .
Halkaa oo wadadii biyuhu mari jiraan loo weeciyey maalmo dhaweyd wada tagta Maqaayadii bida dheere .
mar aan booqday sida xaalku yahay ayaan ku arkay dad badan oo ka cabanaya maamulka iyo dariskooda oo ay sheegeen in ay isku kaashadeen wado ka weecinta biyaha roobka oo ay biyihii mari jiray fadhiisin ka dhigteen guryahooda hortooda .
Waxaa ayna maamulka gobolka iyo dowlada dhexe ugu baqeen in ay wax ka qabtaan faragalinta ay ku dariska ku hayaan maamulka dagmada howlwadaag oo ay ka tirsanayaan cadaalo dari iyo ku tagri fal awooda dowlada
maamaadaama ganacsatada hantiilayaashaa ay ku raaceen rabitaankoodii ,waxayna sheegeen in ay uga shakisan yihiin
horta la iskama eryee ciduhu mana og yihiin
Arintaan ayaa waxaa sababay ka dib markii ay dhamaan xirmeen tubooyinkii biyaha roobka qaadi jiray eek u dari jiray badweynta hindia kuwaa oo raacay burburkii dowladii dhaxe ee Somaliya oo ay reer bakaaro qeyb mug leh ka qaateen.
Qore Muuse Maxamuud Jiisow