Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhageysiga Gal-dacwadeed eedeysanayaal ay ka yihiin, Ciyaal weero lagu soo qabqabtay howlgalka Samakaab oo ay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka fuliyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Eedeysanayaashaan oo gaaraya 11 ruux ayaa laga soo qabtay degmada Yaaqshiid waxaana ay ka kala tirsanaayeen ilaa saddax kooxood oo ka mid ahaa ciyaal weeraradaa waxaana ay kala yihiin, ciyaal buulo, Ciyaal Tusbaxleey iyo Ciyaal Kaaro.
Xeer ilaalinta Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigtay cadeeymaha dhibaatooyin kala duwan oo ay geysteen ciyaal weerada, kuwaas oo ay kamid yihiin dilal iyo dhaawaca dad rayid ah.
Maxkamadeynta dhalinyaradaan ka tirsan ciyaal weerada degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sii socon doonto maalmaha soo soda, iyada oo ugu dambeyn go’aan ka gaari doonto Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Bilihii la soo dhaafay ayaa dadka kunool qaar kamid ah degmooyinka Barrie e gobolka Banaadir waxaa dhibaatooyin kala duwan ku haayay ciyaal weero, waxaana taasi ay keentay in howlgallo joogto ah ay sameeyaan ciidamada Booliska & Nabadsugida Soomaaliya.