Maxkmad ku taalo Talyaaniga oo xukuntay nin loo heysto dhimashada 700 oo Tahriibayaal ahaa
Nin u dhashay dalka Tunisia oo loo haystay dhimashada 700 oo tahriibayaal ahaa ayey maxkamad ku taalo Talyaaniga ku riday xukun adag.
18 sano oo xabsi ah ayaa eedeysanahan lagu xukumay.
Tahriibayaasha la aaminsanyahay in uu ku lug ahaa dhimashadooda ayaa bishii April ee sanadkii la soo dhaafay ku geeriyoodeen badweynta Mediterranean-ka kadib markii ay la degtay doon ay saarnayeen.
Boqolaalka qof ee ku dhintay doonidaasi ayaa waxaa ku jiray dad badan oo Afrikaan ah oo Soomaalina ay ka mid ahayd.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0