Home Afsomali Maydka Madaxweynihii Hore ee Puntland oo La geeyey Garoowe laguna aasay

Maydka Madaxweynihii Hore ee Puntland oo La geeyey Garoowe laguna aasay

Diyaarad sida maydka Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa Saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe.

Maxamed Cabdi Xaashi oo hore u soo noqday madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku geeriyooday wadanka Turkiga. Qaar ka mid ah Caruurtiisa iyo eheladiisa ayaa la socda maydka marxuumka oo la filayo in aas Qaran loogu sameeyo magaaladda Garoowe.

Madaxweynaha Puntland , Madaxweynaha Jubaland iyo madaxweynaha Galmudug iyo madaxda kale ayaa ka qaybgalaya Aaska Qaran ee loo samaynayo madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.