https://youtu.be/UPhXkoPj87s
https://youtu.be/wv-H6DTzNkQ
Iyada hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca iyo Ciidamadooda ay isaga baxeen degmada Guriceel ayaa waxaa saaka kormeer sameeyay Maamulka degmada iyo Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.
Goobaha qaar ee degmada Guriceel gaar ahaan Aaga Jaamacadda oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay dagaalada ka dhacayeen ayaa waxaa lagu arkay meydadka dad dagaalka ku geeriyooday iyo kuwo
Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa duleedka Waqooyi ee Guriceel ka sameeyay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay, sidoo kalena lagu qiimeeynayay xaaladda Aaga dagaalka uu ka dhacay.
Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Guriceel ayaa waxaa ay ugu baaqeen Shacabkii ka barakacay degmada inay dib ugu soo laabtaan, isla markaana howsha ay sideedii kusoo noqoneyso.