Dowladda Rwanda ayaa ka mamnuucday dhammaan masaajiddada inay isticmaalaan cod baahiyeyaasha dhawaqa dheer xilliga aadaanka salaadaha, iyadoo sheegtay in arrintaasi ay dhibaato ku tahay dadka.
Sarkaal ka tirsan Ururka Muslimiinta dalkaasi ayaa mamnuuciddaasi cambaareeyay isagoo sheegay inay wanaagsanaan lahayd in la isku raaco yareynta dhawaqa, isla markaana cod baahiyeyaasha la isticmaalo muddo kooban.
Sido kale baraha bulshada ay ku kulanto ee dalkaasi gaar ahaan dadka muslimiinta ayaa hadalo u badan kuwa ay ka muuqatay caro, waxey ay ku baahinayeen Twiitterka iyo Facebook-ga kuwaa oo sheegay iney aad kaga xunyihiin in la diido aadanka oo waqtiyo yar lagu dhaqaaqo maalin walbaa.
Sharci cusub ayaa la soo saaray kaas oo lagu maamulayo sida ay ururro-diimeedyadu u shaqeeyaan – tallaabadan oo loo arkay xaddidaad cusub.