Mooto bajaajtii 23aad oo lagu guuleystay ayey somtel bixisay mootadii 23aad ee ololaha ku shubo oo ku guuleyso
Munaasibada abaalmarinta guleystayaasha ololaha somtel ee ku shubo oo ku guuleyso agabyo kala duwan <span;>todobasdkii 23aad<span;> ayaa lagu qabtay magaalda muqdisho .
Masuuliyiintii ka soo qeybgashay waxaa ka mid ahaa Xildhibaano gudoomiyeyaasha dagmoiyinka Xamar jajab iyo waaberi ee gobolka banaadir qaar ka mid ah shacabka muqdisho iyo guuleystayaasha tartanka .
Maxamed ibraahim beyle maamulaha somtel ee xarunta bakaaraha oo furey munaasibada ayaa sheegay in fursadaan ay u fura tahay qof kasta oo sita simcadka somtel .
Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay masuuliyiinta Jaamacada Salaam
sida
Rigtarka guud ee jaamacada salaama bashiir oow diini oo munaasibada ka hadlay ayaa shirkada barnaamijkaa uga mahadceliyey sidoo kalana macaamisha ayuu u rejeeyey nasiib wacan.
Madaxa Waxda ganacsiga iyo madaxa iibka iyo suuqgeynta ustaad cumar Maxamed Nuur saacid oo munaasibada hadal ka jeediyey ayaa ku tilmaamay in shaqada ay hayaan tahay mashruuc balaaran oo abaalmarino lagu gudoonsiinayo macaamiisha ku shubo oo ku guuleyso asbuuca 23aad uu si habsam8 iyo daahfurnaan ah u socdo .
Gudoomiyaha dagmada xamar Jajab mucaawiye muudey oo munaasibada ka hadlay ayaa soo dhaweeyey ololaha ku shubo oo ku guuleyso isaga oo xusay in ay qeyb ka tahay dhiiri galinta bulshada iyo shaqo abuur wuxuuna ka codsaday maamulka in shirkada somtel ay balaariso maadaamada ay dhalinyaro badan oo reer xamar jajab ah ay ka mid noqdeen guuleystayaasha wuxuuna kiciyey mishinka nambarada hadiyadaha lagu guuleysanayey .
Guuleystahay 1aad
Bil Internet free ayuu helay macaamilkii 2aad agab hadiyad kale oo uu ku farxo
Macaamiilka 3aad sadaxaad ayaa helay dhalo TV iyo qalabkiisa oo dhameystiran
Macaamiilka 4aad mobile somsung ah
Farxaan xaaji xusen maxamuud bil Internet free ah ayey heshay
Macaamiilka xiga ayaa helay mobile samsung ah.
Gaarane cabdi macalin oo dagmada baladweyn ayaa helay joogo ayaa isne helay bil Internet free ah
<span;>Inraahim oo luuq gobolka gado ayaa helay 50$ oo cash ahb
Gudoomiyaha dagmada waaberi sugaal Cali ayaanle ayaa soo dhaweeyey qaabka daaha furan ee shirkadu barnaamijka u wajaheyso wuxuuna codsaday in shirkadu balaariso agabyada shirkadu abaamarinada u bixineyso .
Wuxuuna xusay in shirkadu soo bandhigtay wax aan laga fileyn bulshadana horumarin u ah shirkada lagu amaani kara.
Ku xigeenka madaxa suuq geynta ustaad cumar saacid oo munaasibada soo gabagabeeyey ayaa faahfaahin dheeraad ah wuxuuna furihii mooto babaaj uu ku guuleustay Cabdixakiin xasan dhoore ku guuleystay asbuucii hore kaasi oo sheegay in dhaqaalo la.aan darteed uu uga haray jaamacadii uu wax ka baranayey balse haatan wixii ka danbeeyey uu dhaqaale ka sameyn doono wuxuuna si dagan u yiri Maanta wixii ka danbeeya milyan neer ayaan noqonayaa.
https://youtu.be/q1K4ge78oaY
Cali Cusmaan taha ayaa xiriirnayey.