Kooxda Daacish ee khilaafada islaamiga ayaa sheegtay dilkii maanta ka dhacay Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee lagu dilay askari ka tiran ciidamada Taraafikada ee magaalada Muqdisho.
Wakaalada Wararka Daacish ee loo yaqaan ACMAAQ ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska ay dileen, isla markaana ay dhaawacmeen askari kale weerar ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Daacish ayaa faafisay muuqaalka qaabkii loo dlay sarkaalka, iyadoo uu sawirka ka muuqdo qof tooganaya askari taraafiko ah oo ku mashquulsan Gaari yar oo mooca raaxada ah. Daacish oo dilalkeeda Muqdisho ay sii kordhayaan ayaa uga duwan Alshabaab inay muuqaal aan u sawirto falalka khaarijinta ah ee ay sameyso.