Home Afsomali Muqdisho oo lagu qabanayo shirka 7aad ee Suufiyada Caalamka iyo Magacyada 11...

Muqdisho oo lagu qabanayo shirka 7aad ee Suufiyada Caalamka iyo Magacyada 11 wadan oo ay ka kala socdaan

Wafdi ka socda 11dal ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho,wafdigaas ayaa waxaa casuumay Jaamacadda Imaamu-shaafici oo ku taalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan Xaafada Siigaale.

Sida la sheegay waftigaan ayaa maalinka beri ah shir uga furmi doonaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Shirkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo ay qabanayaan jamaacaddan ayna iskugu imaanayaan culumo & Aqoonyahano & ilaa heer Caalami ah oo ka kala socda daafaha caalamka.

 

Wafdigaan ayaa waxa ay ka kala socdaan ilaa 11 dal Waxayna kala yihiin.

1- Dr – safwaan ( dalka Jordan)

2- Dr – mascuud axmed ( UK ).

3- Dr – axmed shaxaat ( masar)

4- Dr – maxamed xuseen ( turkiga).

5- Dr faatix qariibulaah ( neejeeriya).

6- Dr – maslami kamaal ( suudaan)

7- Dr – Anas alciisawi ( ciraaq)

8- Dr – bilaal calaa ( lubnaan)

9- Dr- tawfiiq luuri ( marooko).

10- Dr – khaliil loox ( sinigaal).

11- Dr – ismaaciil qaari, ( aljeeriya)

Wafdiyada wax so dhaweeyey Khaliif C/qaadir Macalin Nuur Wasiiru dawlaha Madaxtooyada oo ah aas-aasaha jaamacadda Imaamu-shaafici.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.