Home Afsomali Muqdisho oo qarax qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala duwan geytay...

Muqdisho oo qarax qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala duwan geytay uu ka dhacay allow sahal amuuraha

 

War hadda oo dhacay ayaa sheegaya inuu Qarax goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda ah.

Qarax ayaa la sheegay inuu ka dhacay agagaarka Isgoyska, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, wuxuun ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso iyadoo lala eegtay Gaari ay wateen Ciidan ka tirsan Dowladda Somaliya oo meel u dhow Igoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Qaraxa uu geysay Qasaare kasoo gaaray dad shacab ah u badan oo ka soo baxay Masaajid ku yaala nawaaxiga halka Qaraxa uu ka dhacay, Waxaana soo gaaray Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ayaa sheegay in dad ku dhow 10 Qof ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxa, waxaana durbadiiba goobta gaartay Gawaarida gurmadka degdega ah iyo ciidamada amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.