
Sida laga soo xiganaayo masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaliya ayaa sheegayo in Xabsi guri la galiyey taliyaha KMG ee Nabad sugida qaranka Soomaliya kaa oo la sheegay in la qabtay isagoo ka duuli rabay garoonka caalamiga ee Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho
Taliyahaan oo lagu magacaabo Cabduqaadir kuna magac dheeraa Jaamac ayaa lagu qabtay isagoo Eraboorka Muqdiaho kala duulaayo Hal Malayn oo Doolarka Mareykanka isagoona u socday dalka Turkiga
Gabar ka tirsan Nabada sugida Qaranka ayaa qabatay taliye Jaamac oo si aan sharci aheyn lacagtaas ka duulin rabay magaalada Muqdisho
Jamac ayaa horay u ahaa Sakarataariyaha safaarada Soomalida ee dalka Turkiga waxaana socda Baritaan dheer sababta lacagta intaa la eg ee sharcidarada ah uu dalka uga saraayey
Dowlada Soomaliya ayaa horay u sheegtay in ay dagaal kula jiraan masu maasuqa taa oo hada ka dhigeysa in Xabsi guri la galiyo Taliye sare oo ka tirsan heyda ugu sareysa dalka ee Nabad sugida waxaana la dhihi karaa guul u soo hooyatay dowlada xiligaan gar wadeenka ka yahay Mxamed Cabdulaahi Farmaajo