Gabdha Soomaaliyeed ayaa waxay taageero u muujiyeen Fowsiya X adan qabile si Xul culus loogu magacaabo
Kulan balaaran o ay soo qabanqaabiyey gabdho somaliyeed oo muqdisho ka dhacay kana kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyeed sida Xildhibaano siyaasiyiin midowgii musharaxiinta haween Xilala kala duwan ka soo qabtay dalka ururda haweenka heer fadaraal iyo heer maamul goboleyd gulshada rayidka iyo marti sharaf kale ayaa si isku mid ah ugu taageereen Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Adan in ay awood qeybsiga haweenka dowlada ku jira ku matasho .
Waxaana sidoo kale ay soo dhaweeyeen magacaabidii RW Xamse iyaga oo u rajeeyey in uu soo dhiso dowlad Xukuumad tayo leh
Kulanka intii uu socday hablihii madasha ka hadlay ka sheekeeyey waxqabadkii iyo Xilaalkii kala duwanaa ee ay soo qabatay waxana cadeeyeen sida ay ugu kalsoon yihiin .
Guntii iyo gabagabadii waxaa kulanka soo xirtay Xildhibaan Fowlsiya Xaaji Adan qabile oo mahadcelin iyo Soo dhaweyn ka sokow balanqaaday in haweenka iyo dalka kaba meeqaam sare gaarsiin doonto.