https://youtu.be/gqffdR79cMU
Barakaca meydadka oo Muqdisho si rasmi ah uga bilowday duqa Xmar ahlu qabuurka yaan la bililiqeysan “qabri la qodi karo ma jiryo amar la.aan dowlada ayaana xil iska saareyso haatan ka dib
Gudoomiye Madaale ayaa goob fagaare ah kaga dhawaaqay in Sharciga lala tiigsan doonaa cid kasta oo ku howlan burburinta iyo ka ganacsiga Qabuuraha macalin nuur maamulka Gobolka banaadir ayaa sheegay in document sharci ah ayaa loo sameynaa waxaana lagu wareejinayaa darbi weyn
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho) si uu ugu jawaabo cabasho ka timid qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda.
Duqa Caasimadda oo ay wehliyeen Agaasimaha Waaxda Dhulka, Agaasimaha Xafiiska Duqa, Afhayeenka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Deegaanka Garasbaaley ayaa waxa uu halkaasi kula hadlay Bulsho ka wal-walsan warar muddooyinkii ugu danbeeyay baraha Bulshada la isla dhex maraayay taasi oo aheyd in halkaasi la dhisanaayo isla markaana qubuuraha laga bixinaayo.
Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Qubuuraha Macalin Nuur uu yahay mid soo jireen ah oo aan la ogolaan karin in xilligaan ay dad sheegtaan, Dowladda Hoose ee Xamar iyadu Mas’uul ka tahay wixii Qubuuro ah, waxa uuna amray in aan laga saari karin wax qabri ah, halkaasna laga dhisi karin guryo, Asigoona faray Maamulka Deegaanka Garasbaaley iyo Agaasinka Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Xamar Naqshadeynta iyo in darbi lagu wareejiyo Qubuuraha Macalin Nuur si aysan u dhicin ku xad-gudub dhinaca dhulka ah.
https://www.facebook.com/Qolka-Musejisow-157399570949623