Soomaaliyey murusadow qaraabadeydi bal nimanka shirkaan qabtay ee dhahay murusadaan mataleynaa ila fiirsha inta murusade garaneysaay,
Shir beeleeyd wajiyo badan oo beesha murusade muqdisho ugu soo gabagaboobay ayaa laga soo saaray qodobo kala duwan iyo baaqyo nabadeed
waxaanan lagu magacaabay shir weynaha beeaha murusade isla markaana halku dhigiisu ahaa wada jirkeenaa jiritaankeeku ku jiraa kaasi oo socday maalmo ay dad badani ku waayeen wadadii ay mari jireen waxaana lagu raali galiyey in lagu sugaayey amaanka ergada shirka si aysan u dhicin tii ka dhacday oo kale hotel xayaad ee lagu weeraray beel shir uga socday .
Shirkaan ayaa sigaara waxaa u soo agaasimay ugaaska beesha murusade iyo taageerayaashiisa waxaana maalgaliyey jufada habar ceeno oo si aad ah uga dhamuuqatay lagana dareemayey is xilqaan marti soo iyo hogaamin heerkeedu sareeyo
Shirka waxaa ka soo qeybgalay xildhibaano fadaraal iyo heer goboleyd masuuliyiin kala duwan bahda saraakiil ciidan dhaqanka dhalinyaro dhalinyaro haween iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid dalka dibadiisa gobolada iyo caasimada muqdisho .
Shirkaan ayaa u muuqday mid madaxweyne xasan sheikh iyo raiisal wasaarihiisa tabasho loogu muujinaayo
Waxaana si cad lagu yiri waa in duqa muqdisho iyo gudoomiyaha gobolka banaadir la kala qaaqo midne beeaha lagu camaamado taasi oo sacab lagu soo dhaweeyey
Murusade waa dhowr famil ee hal famil inta uu shir dhigo yiraa murusadaan matalaa oo ay saan u dhaqmaan ma saxbaa inkasto oo ay tahay talaabo dadaal ah oo horey beeshu u qaaday .
Taariikhdu dadkey bartaa waxey dorraad mareene.taariikhdu dadkey bartaa dunida waayaheedee…cidna ma diiddo cidna ma dulmisee warkey dacalka ku haysa
Maxaa keenay markiisii horeba in ajandaha shirka lagu heshiiwaayey oo ahaa in la dowlada dhaliil loo jeediyo oo la mucaarado arintaasine ay ka socon weyday darafka shirka ka maqan oo iyaguna ku heshiiyey hadii shirka ay dibad jooga ka yihiin laga soo saaro go.aano dowlada lagu mucaaradayo in ay iyaguna maalin ka dib shir looga soo horejeedo shirkaan ay isla hotelka ku qabsan doonaan .
Murusade intii badneyd odoyaashii dhaqanka sida siaayasiyiintii ganacsatadii culumadii waxgaradkii waa diiday in shirka ay ka qeybgalaan arintaasi oo mucaradkii dowalada candhuuftooda dib u liqeen shirkane waji kale u yeeeen
Waxaa jira odoyaal halkii shir ka socdaba iska taga iyada oo aan beeshiisu soo dirsan
Hadii quud iyo qaaran la weydiiyane waxba ma haayo jawaabtiisu tahay kuwaas iyo kuwo kale oo la mid ah ayaa madasha shirka soo buuxdhaafiyey ayuu yiri mid ka mid ah aqyaarta shirka isaga baxay oo diiday in magaciisa la xuso
Shirka markiisii hore waxaa lagu mucaaradi rabay maamulka galmudug iyo dowlada fadaralka sidaasi darteed gudoomiyaha barlamanka galmudug ayaa shirka deg deg ugu soo biirey isaga oo ilaashanayey xasaanada maamulka galmudug in kasta uu ka soo jeedo beesha cabdalle sabti oo aan goobta in ku filan ka joogin walow xildhibaan cadar shalaqbeen shirka ka qeybgashay .
Nabadoon maxamed xasan xaad ayaa dowlada ku dhaliilay in ay hagratay beesha murusade ayna duudsiisay kuraas ay xaq u lahaayeen loogane fadhigyo madaxweynaha iyo maamulkiisu in ay saxan qadaaadka hadalkaas oo beesha inteeda badan soo dhaweysay
Dhanka kale odoyaashii abakar waxay soo jeediyeen in ajandaha shirka lagu qanciyo waana laga diiday taasi oo sababatay in ay shirka ka baxaan dibad joogna ka haadaan madashana looga waayey oday dhaqameyd iyo masuul ka socda habar adinle marka laga reebo xildhibaan xusein iidow oo khudbadiisii laga dareemayo sida uu shirku yahay ‘shirkaan murusade uma dhama ee shirka hala joogiyo inta laga helayo labeenta murusade shaqsiyad uu ku tilmaamay sidoo kale xildhibaan maxamed abuukar jacfar ayaa hoolka shirka khudbad macquul ah oo u dhiganta tii baan kii muun oo ka jeedi jiray fadhiga golaha guud ee qaramada midoobay ka jeediyey shirka hotel dayax isaga oona ku faahfaahiyey sida lagu helayo qoondada beesha murusade uga maqan dhanka dowlada fadralka iyo waxa la gudboon xubnaha iyo masuuliyiinta beesha ee xil iyo xasaanad doonka ah
Odoyaashii dhaqanka ee habar ceeno 10kii invite ee la siiyey waxaa dib ula laabtay masuulkii ugu sareeyey ee nabadoon cusmaan caraale jeyte oo iyane shirka waa ka maqnaayeen inkasta oo muraayada shirka si aad ah looga dareemayey in habar ceeno ku badan tahay waayadaan danbane sutida u heysay hoganka sare ee 3 iyo 9
Sidoo kale caasha cisman ugaas casha shaacuur murusade waxa ka halaysan waxay ku tilmaanta xildhibanada masuuliyada heysta oo kursiga sida qalqalooca ah ugu fadhiyo halka qaarkoodna ku amaantay shaqada ay beesha u qabteen
Shirka inta ka soo horjeeday ha mooganin in ay shir ku qabsadeen hotel afriq go.aana looga gaaray shirka wixii ka soo baxo hadey u cuntami waayaan waxay ku heshiiyeen in ay shir looga soo horjeedo qabsan doonaan .
Maxaa looga waayey in madaxda dhaqanka ay ka soo muuqan waayaan shirka sida cumar xaaji xasan gardheer ah suldaanka guud ee hilibi maxamed
Faaiidada laga helay waxaa ka mid ah si la isaga warhaayo in sanad kasta shirkaan mid la mid ah muqdisho lagu qabto iyo shirar kale oo sadaxdii biloodba mar la qabto .
Shirka ayaa bulshada somaliyeed ugu baaqdaybin ay is cafiyaan
Shirka ayaa ku baaqay in. Shir loo qabto beelaha karanle sida gidir karanle kaariye karanle siixaawle karanle iyo muqrsal karanle oo kalandega somalia kenya iyo ethiopia