Home Afsomali Muxuu mutaysan karaa qofkii la dhuunta ama aan bixinin canshuurta iibka ee...

Muxuu mutaysan karaa qofkii la dhuunta ama aan bixinin canshuurta iibka ee 5%

Shalay waxaa magaalada Muqdisho ka hirgalay hannaanka cusub ee qaadista Canshuurta iibka ee loo yaqaano (VAT), taas oo dhan 5%.

Dhawaan ayay dowladdu canshuurtan soo rogtay, taasoo qaar kamid ah dadweynaha Muqdisho ay ka hor yimaadeen.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay telefishinka dowladda kahor hirgelinta ayaa tallaabadaan ku tilmaamay mid dib u habeyn loogu sameynayo canshuurta dadka laga qaado.

Ganacsatada Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa arrintaan qaaddacay iyaga oo aan shalay furin suuqa waxaana ay ku tilmaameen Canshuur lagu ciqaabayo.

Xasan Cabdi Axmed Xoogsade oo ah guddoomiyaha guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa BBC-da u sheegay in dadweynaha ay qaateen go’aanka ah in suuqo la xiro oo aysan jirin cid ku khasabtay.

“Dadku lama aysan qabsan canshuurtan waxayna qabeen cabsi badan sababtoo ah wax badan oo fikrad ah kama haystaan qaabkan elektaroonikada ah ee canshuuraha lagu qaadayo.”

Waxa uu sidoo kale warbaahinta u sheegay: “Dadku waxa ay ku wareersan yihiin oo ay is weydinayaan, meeqaa iga go’aysa? Ma akoonkeyga ayay si toos ah uga go’aysaa lacagta? Ma aniga ayaa la i weydiinayaa marka waxaad mooddaa in baqdin badan ay qabaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.