Kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho qaar ka mid ah kuwa isku tilmaamay waxgaradka gobolka Banaadir ayay ku dhawaaqeen in dowlada dhexe ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay caburin ku heyso Shacabka Muqdisho ayagoo la ogeyn cida ay matalaan odayaashaan.
Sida la ogyahay Waxgaradka matala gobalka banaadir Wa odayaal la yaqaano halka kuwa maanta ay sheegeen in ay sameyn doonaan maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir si looga baxo dhibatooyinka ay dowladda Soomaaliya ku heyso Shacabka Caasimadda.
odayaasha oo umuuqdo kuwa lasoo abaabulay ayaa Waxa ay sheegeen in Magaalada Muqdisho loo kala qeybiyay labo qeybood oo ay adag tahay in la iska kala Gudbo,maadaama inta badan ay xiran yihiin Wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Odayaasha dhaqanka Gobalka banaadir ayaa maalmihii u danbeey iska noqdeen kuwa la iska sheegto inkastoo sida la ogyahay dowalda ayaa ka warqabin kuwa qaylinaayo ee aan sifo sharci ah ku dhisaneyn ayagoo ka duulayo diidmada Dowladnimo.
sikastaba ha ahaate waxaa la arkaye ayagoo iska qarinaayan in ay war saxafdeedki ay kaso xigteen laba habeen ka hor war saxafadeed oo ay soo saareen ururka alshabab kaa oo ay si toos ah u aqriyey Mid ka mid ah ka qeyb galayeyaasha ayaa warbaahinta u aqriyay War kasoo baxay kulankii Odayaasha dhaqanka ee kaligood ismagacaabay.