Home Afsomali Odayaasha SSC oo War kasoo saaray Ergayga loo Magacaabay Wadahadalada Somaliland

Odayaasha SSC oo War kasoo saaray Ergayga loo Magacaabay Wadahadalada Somaliland

War- saxaafadeed kasoo bsxay SSC-Khaatumo ayaa lagu soo dhaweeyay  Cabdikariim Xuseen Guuleed oo uu Ergeyga wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddiga odayaasha SSC Khaatumo ayaa lagu bohgaadiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud dedaallada uu ku bixinayo sidii xal loogu heli lahaa arrimaha Somaliland.

War- saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in SSC-Khaatumo aysan ka mid ahayn, kana mid noqon doonin Somaliland. Waxa ayna xuseen in ay ka mid yihiin Soomaaliya ayna aaminsan yihiin sugnaanshaha xuduudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in ay yihiin lama-taabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.