Prof. Ismaaciil Buubaa Oo Hargeysa Ka Dhoofay Ka Dib Markii Dhawaan Xukuumadda Somaliland Ka Hor Istaagtey In Uu Garoonka Ka Dhoofo
Prof Ismaciil Hurre Buubaa oo ka mid siyaasiyiinta bulshada Somaliyeed ugu caansan isla markaana xiligan ka mid ah saraakiisha xisbiga Waddani ayaa ka dhoofay garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa .
Prof Buubaa ayaa ay dhawaan xukuumadu gaar ahaan masuulyiinta Garoonku ay ka hor istageen in uu halkaasi ka dhoofo ka dib markii lagu eedeeyey in uu Sito Passporka Somaliya kaas oo ay xukuumadu sheegtay in ay mamnuuc tahay in Somaliland laga dhoofo Passporka
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view