Waxaa kulan gaar ah magaalada Qardho ku yeeshay Gudiga Amniga Gobolka Karkaar ee Puntland, iyaga oo kulankooda uga hadlay arimaha ammaanka iyo horumarinta, iyada oo gudoomiyay shirka Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Saciid Cismaan.
Shirkaan ayaa diiridda lagu saaray, shaqooyinka horumarineed ee socda, u diyaar garawga diiwaan-getinta codbixiyayaasha degmooyinka Gobolka Karkaar oo Dhawaan bilaabanaysa, waxaana sidoo kale laga soo saaray go’aano amni oo hubka Sharci darada ah, ee Magaalada lagu dhex-maro.
Guddoomiyaha Gobolka Karkaar ee Puntland Cabdi Saciid Cusmaan ayaa Warbaahinta u faah faahiyay Go’aannada amni oo ay kasoo saareen Shirkii ay ku yeesheen Magaalada Qardho.
Magaalada Qardho oo dhawaan ay kusoo rogmadeen daadad ka dhashay Roob ka da’ay halkaas ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga wanaagsan degaannada Puntland, wallow mararka qaar ay dhibaato ka geystaan maleeshiyaad ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.