Home Afsomali Puntlnd oo sheegtay in soo qaban doonto dadka khalkhal gelinya Amniga Magaalada...

Puntlnd oo sheegtay in soo qaban doonto dadka khalkhal gelinya Amniga Magaalada Garowe

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolkaa Nugaal ee Puntland Gaashanle Dhexe Maxamed Cali Marduuf  oo ku hadlayay Magaca Gudiga Amniga ee Gobolka Nugaal ayaa beeniyau Wararka sheegaya in Dhaq Dhaaqyo Ciidan uu ka jitro Gobolka Nugaal.

Gaashaanle Dhexe Naxamed Cali Marduuf ayaa ugu baaqay shacabka Magaalada Garowe in ay isdejiyaan Amnigana uu aad u wanaagsan yahay .

Taliyaha ayaa sheegay in aysan jirin wax Amni darro ah oo ka jira Magaalada Garowe Waxaana uu uga digay Dadka Khalkhal gelinya Amniga in ay ka waantoobaan.

Taliyaha Booliska Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale , sheegay in Gacan bir ah ku soo qaban doonaan kuwa khal khal gelinaya Amniga guud ee Puntland.

Hadal ka soo baxay Taliyaha Booliska Gobolka Nigaal ee puntland ayaa imaanaya Xilii la baahiyay warar sheegaya in Dhaq dhaqaaq Ciidan uu ka jiro gobolka Nugaal islamarkaana Mucaaradka Puntland mar kale ay qorsheynayaan weerar ay ka geystaan magaalada Garowe taas oo waxba kama jiran ay ku Tilmaameen Taliska Booliska gobolka Nugaal islamarkaaana beeniyay wararkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.