Home Afsomali Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho & Masuul ku dhintay

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho & Masuul ku dhintay

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu ka dhacay wadada Xaafadda Daaru-Salaam meel u dhow Xoolo-qalka, waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qof kamid ah dadka ku nool Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir lala eegtay gaari uu watay masuul ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.

Wararka la helay ayaa waxay sheegayaan in gaariga uu watay gudoomiye ku xigeenka dhinaca  Siyaasadda degmada Deyniile Cabdi Maxamed Maxamuud, isla markaana uu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qaraxa oo haleelay gaariga uu saarnaa.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka guddoomiye ku xigeenka & dadka kale ee ku waxyeeloobay qaraxa, iyada oo rasaas ay fureen ciidamada la qarxiyay ay ku dhaawacmeen Seddex ruux oo shacab ah.

Qaraxyada nooca miinooyinka ah ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay kusoo bateen magaalada Muqdisho, iyada oo qaraxyadaas intooda badan ay ku waxyeeloobaan dad isugu jira masuuliyiin iyo Shacab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.