Home Afsomali Qarax loogu xirey gaarigiisa Xildhibaan Maxamed Mursal boorow oo ka dhacay tiyaatarka...

Qarax loogu xirey gaarigiisa Xildhibaan Maxamed Mursal boorow oo ka dhacay tiyaatarka Qaranka

Xildhibaan Maxamed Mursal boorow ayaa Qarax loogu xirey gaariigiisa wuxuuna qarxay xili uu marayey  magaalada Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Tiyaatarka Qaranka.

Qaraxa ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa mid lagu xiray gaari lagu sheegay inuu yahay Hilux oo maraayay Koontaroolka Ciidanka koofi gaduuda ku leeyihiin Tiyaatarta Qaranka.

Warar ayaa sheegaya in Gaariga lala Bartilmaameedsaday qaraxa uu leeyahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Mursal boorow kaasi oo la sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray lugaha Iyo gacmaha xaaladiisane aad looga deyrinayey sida ay sheegeen dadkii dhaawaciisa la kumay oo aan wax ka weydiinay waxaana loola cararay ispitalka digfeer

darawalkii gaariga waday gaariga Qarxay ayaa goobta ku dhintay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dhaawac culus oo gaaray xildhibaanka sida ay somalisan u xaqiijiyeen goobjoogaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.