Home Afsomali Qaraxyo aad u xooggan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo xaalka magaalada...

Qaraxyo aad u xooggan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo xaalka magaalada oo qasan

Qarax aad u xooggan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa daqiiqado yar kahor ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhaw Isgooska Soobe.

Warar horu dhac ah aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa hore lagu weeraray wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya oo kutaalla agagaarka laami yaraha Soobe , waxaana qaraxa kaddib la maqlay rasaas xooggan.

Kooxo hubeesan ayaa warar soo baxaya sheegayaan in ay galeen dhismaha wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare kana dagaalamayaan, waxaana aagaasi gaaray ciidamo katirsan dowladda oo wadooyinka xir xiray.

Qarax kale oo labaad misna aad u xooggan ayaa isna laga maqlay aaga uu ka dhacay qaraxii hore, xaaladda magaalada Muqdisho ayaana xilligan ah mid qasan oo cabsi badan dadku dareemayaan.
Waxii warar soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.