Qisadii NABI AYUUB (CS)
Nabi Ayuub (cs) waxa uu ahaa nabiga keliya ee reer Ruum kasoo jeeday. Waxa weeye Ayuub bin Muus bin Razaax bin Ruum bin Ciis bin Isxaaq bin Ibraahim (cs). Ayuub waxa uu qabay Raxma bintu Afraa’iim bin Yuusuf bin Yacquub bin Isxaaq bin Ibraahim (cs). Ayuub waxa uu ku noolaa dhulka Huwwarah oo iminka ah tuulo ka tirsan gobolka Irbid oo dhaca waqooyiga Jordan, xuduudna la leh dalka Suuriya.
Ayuub waxa uu ahaa nin uu Alle isugu daray qurux, maal iyo ubad fara badan. Waxa uu dhalay 14 wiil iyo gabdho, waxana uu lahaa ari, lo’, geel iyo fardo aad u fara badan. Waxa kale oo uu lahaa dhul beereed aad u baaxad weyn iyo addoomo aad u tiro badan oo u adeega.
Ayuub isaga oo intaas oo afar adduunyo ah leh, haddana har iyo maalin Alle ayuu caabbudi jiray oo ku mahadin jiray. Waxa uu gaaray heer Malaa’igta Samadu ay ku sallinaysay. Shaydaan (caro Alle ha ku dhacdo eh) ayaa ka masayray ninka intaas oo maal iyo carruur leh oo si kal iyo laab ah Alle u caabbudaya. Alle ayuu idan uga qaatay in haddii uu u oggolaado uu Ayuub baadiyayn doono. Alle idan buu u siiyay, wixii aan ka ahayn ruuxdiisa, qalbigiisa iyo damiirkiisa.
Qorshaha Shaydaan waxa uu ahaa in uu Ayuub carruurta iyo maalka dhaafiyo si uu Alle caabbudista shaki uga geliyo oo uu kaalmada iyo gargaarka Alle uga niyad jabo.
Shaydaan dagaalkiisii waxa uu ka billaabay, carruurtiisii oo dhammaantood gurigii curadkooda ku cuntaynaya ayuu dab qabadsiiyay oo halkooda ku xasuuqay. Xoolihii iyo addoomadii waxa uu ka adeejiyay qabaa’ilkii geyigaas degganaa oo Saba’yiin iyo Kildaaniyiin ahaa oo wax ay dilaan iyo wax ay boobaan ka dhigay. Dharaar cad bay Ayuub iyo islaantii u dhaxday keligood afar adduunyo ka soo hareen.
Ayuub (cs) dhacdooyinkaas murugada leh kama qaadin wax aan Alle ku mahadin, Alle ku shukrin, tasbiix iyo taxmiid ahayn. Mar kasta oo hoog loo soo sheego, waxa halhays u ahayd: “Innaa Lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun. Alle wixii uu bixiyo isagaa iska leh, wixii uu naqsadana isagaa iska leh. Kolka Alle wax innagu amaanaysto in aan ku faraxno ma aha, kolka uu amaanadiisa innaga naqsadana in aan ka murugoonno ma aha”.
Faqrigii iyo ilma la’aantii haddii ay iimaankii Ayuub gilgili waayeen, Shaydaan jirkiisa ayuu afuufay. Waxa uu markaas Alle ku ibtileeyay cudur. Waxa uu ahaa qofkii aadane ugu horreeyay oo cudurka furuqa la yiraahdaa uu ku dhaco. Waa cudur jirku uu ruqryqayo. Jirkiisii ayaa qurmay oo dirxi galay. Heer waxa uu gaaray jirkiisa meel ka fayow aan carrabka iyo qalbiga ahayni aanay jirin. Waxa uu garay heer inta urkiida loo adkaysan kari waayo, la iska fogeeyo oo uu qashin-qubka seexdo.
Asxaab iyo ehelba Ayuub (cs) waa laga kala dareeray, waxana ku soo haray aaskiisa iyo laba nin oo walaalihiisa oo marmar soo booqan jiray. Xaalkiisu waxa uu gaaray heer wax uu cuno iyo wax uu cabo uu waayo.
Xaaska Ayuub adeegtonimo ayay dadka ugu shaqayn jirtay si ay raashin ugu soo iibiso, waana ay ku sabartay ibtilada ninkeeda ku dhacday. Markii dambe dadku markii ay ogaadeen xaaskii Ayuub inay tahay, cid adeegsata ayay waysay, iyaga oo dadku ka baqayay cudurkiisa in ay qaadsiiso.
Maarkii ay cid adeegsata weysay, odaygii Ayuub ahaana uu baahi la il daran tahay, bay ku tiri: “Maad Alle inoo barisid in uu dhibta innaga dul qaado!” Waxa uu ku yiri: “Alle toddobaatan sano ayuu caafimaad iyo barwaaqo i siiyay, ee toddobaatan kale oo imtixaan ah miyaanan ku sabri karin!”. Markaas bay islaantii argaggaxday.
Islaantii raalliyada ahayd si kale oo ay odaygeeda ku badbaadiso markii ay weyday, bay timeheedii bar gabdho maalqabeen ah ka iibisay oo raashin ugu soo iibisay, isagana waxay u sheegtay in adeegtanimo ay ku soo shaqaysay.
Xoogaagii yaraa markii ay dhammaadeen bay timeheeda barkii kale iibisay. Ayuub markii uu ogaaday xaaskiisu inay timeheedii dartiis u iibisay buu inta uu carooday ku dhaartay in uu boqol karbaash ku dhifan doono.
Markii ay islaantii ka tagtay, baa waxa u yimid labadii nin ee dad ugu dhowaa. Urtiisa inta ay u soo dhowaan waayeen bay meel xoogaa u jirta ka istaageen. Ayuub (cs) waxa uu maqlay labadii nin oo sheekeysanaya. Mid baa yiri: “Haddii uu Alle Ayuub khayr ku ogaan lahaa sidaan uma uu ibtileeyeen”. Kii kale waxa uu yiri: “Ayuub waxa uu galay dembi cid mid lamid ah dunida gashay aanay jirin, maxaa yeelay siddeed iyo toban sano Alle inta uu u naxariisto waxa haya waa uu ka qaadi la’ yahay”
Ayuub oo carruurtiisii oo dhami la’deen, xoolihii oo dhami dhaafeen, cudur aan dunida hore loogu aragina muddo siddeed iyo tobanka sano ah uu hayo, weligiis Alle uma eer sheegan, in uu caafimaad siiyana ma aanu weydiisan oo waxa go’aan u ahaa in uu sabro.
Hase yeeshee markuu arkay in xaaskiisii ay timeheedii iibisay, labadii nin ee dad oo dhan ugu xigayna ay sidaas u hadlayaan, ayuu is hayn waayay. Dabadeed Alle baryey isaga oo leh:
“Allahayoow Shaydaan cariiri iyo rafaad buu i geliyay”.
{وَاذْكُرْ عَبْدَنَا أَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الشَّيْطَانُ بِنُصْبٍ وَعَذَابٍ} (ص: 41)
“Allahayow, dhib baa i garay, adiguna inta naxariisata adiga ayaa ugu naxariis badan”.
{وَأَيُّوبَ إِذْ نَادَىٰ رَبَّهُ أَنِّي مَسَّنِيَ الضُّرُّ وَأَنتَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ } (ص: 83).
Alle isla markiiba Ayuub (cs) ducadiisii waa uu ka aqbalay. Waxa uu ku amray in uu dhulka lugta ku dhifto, biyo ayaana kasoo yaacay. Waxa lagu yiri “Ka cab kuna qubayso”. Isla markiiba cudurkii isaga oon weligiis ku dhicin oo kale ayuu noqday. Intii uu qubaysanayay dahab iyo qalin baa sidii roobkii samada uga soo da’ay uu meel walba ka buuxsaday. Dhar xariir ah oo Jannada laga keenay ayaa loo xiray.
Islaantii markii ay soo laabatay, odaygii jirranaa halkii uu yaallay bay ka weyday. Bartii ay ku ogayd nin meel u dhow taagan bay ku tiri: “Addoon Alloow, nabigii Alle ee la ibtileeyay ma aragtay, Ilaah baan ku dhaartaye waagii uu caafimaadka qabay aad buu kuugu ekaa”. Waxay tiri: “Waxan ka baqayaa inay eeyaha ama dugaagtu la tageen”.
Muddo markii ay hadlaysay ayuu ku yiri: “Naa hoogto waa anigii”. Waxay tiri: “Maxaad iigu jeesjeesaysaa?” Waxa uu yiri: “Naa hoogto Ayuub baan ahay, Alle ayaana jirkaygii iisoo celiyay”.
Ayuub Ilaah baa caafiyay, maalkiisii iyo wax ka badanna siiyay, xaaskiisana dhallinyaranimadeedii uso celiyay. Carruurtii uu ewel lahaa labalaabkood buu Alle siiyay.
Ayuub markii uu caafimaaday, Alle ayaa ku amray boqol laamood oo geed timir uu ka soo gooyay inta uu isku xiro in uu xaaskiisa hal mar ku dhifto, si uu dhaartiisii u furo, sidii buuna sameeyay.
Ayuub (cs) toddobaatan sano oo kale ayuu noolaa markii caafimaadkiisii loo soo celiyay keddib, waxana uu ku dhintay dhulka Shaam.