Home Afsomali Qoomu luudnimo sababtay in Xukun Maxkamadeed  deg deg ah lagu toogto laba...

Qoomu luudnimo sababtay in Xukun Maxkamadeed  deg deg ah lagu toogto laba nin oo lagu eedeeyey

 

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Beydhabo ku Toogtay Laba Nin loo soo qabtay Fal Kufsi ah oo dhawaan ka dhacay Magaalada Beydhabo.

Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan qabtay labada nin oo la sheegay in ay qirteen in ay geysteen Kufsi.

 

Dhawr dhacdo oo kufsi ah oo lagula kacay wiilal yaryar ayaa laga soo weriyay magaalada Baydhabo dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, taasoo aad uga caraysiisay dadweynaha ku nool magaaladaasi waxaana la rumeysan yahay inay soo dadajisay toogashada labada nin ee dhalinyarada ah ee la toogtay.

 

Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Siciid Cali  ayaa sheegay in dad kale oo arrimahaas loo soo xiray ay jiraan.

 

“Runtii maalmihii la soo dhaafay waxaa Baydhabo ka dhacayay falal gaboodfallo ah oo dhanka jinsiga la xiriira, marka falalkii waxay noqdeen kuwo soo laalaabtay, dad fara badan ayaa loo xiray runtii oo dembigaa lagu helay oo maxkamad la soo taagay, qaarkood weli waa lagu guda jiraa. Arrimahaas waxaad mooddaa in magaalada Baydhabo ay ka dhaceen wax aan hore looga baran annagana ka mas`uuliyad ahaan ay aad noo taabatay.” Ayuu yiri wasiirka.

Waa talaabo wanaagsan oo mudan in lagu daydo xukun kan dilka ah ee lagu fuliyay raggii manaxayaasha ahaa ee falka kufsiga ugu geystay carruur yar yar magaalada Baydhabo.

Midkasta oo kufsi geysta haddii sidaan oo kale loo toogan lahaa waxaa yaraan laheyd dhibaatada kufisiga  ee ay caadeysteen kuwa magta, magaca iyo muuqa kala siman ragga..

Maamulka koonfurGalbeed waa ay ku mahadsanyihiin sida ay u wajaheen xalka arrintaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.