Home Afsomali Raiisal wasaare kheyre oo u hiiliyey Afka hooyo IYO Amar ka...

Raiisal wasaare kheyre oo u hiiliyey Afka hooyo IYO Amar ka soo baxay xafiiskiisa ( DAAWO SAWIRADA )

Biyo sacabadaada ayaa looga dhargaa, Dal walba wuxuu ku hormaraa afkiisa, luqadaha caalamka ee ka gudbay dhinaca xuduudaha waxaa safka hore kaga jira afka Soomaaliga, Ummad walba waxay Sharaf iyo qiimo ku leedahay adeegsiga afkeeda, hubaashii ruuxba ruuxa uu ka jecel yahay afkiisa waxaa lagu tilmaamaa inuu ka Wadanisan yahay isla markaana ka Qarinimo jecel yahay..

Nasiib wanaag  si loo  hormariyo afkeena hooyo ayaa maanta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Md, Xasan Cali Kheyre  waxa uu  soo saaray amarkii ugu  horeeyay ee ku socda Hey’addaha Dowladda, gaar ahaan Wasaaraddaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya..

Amarkan ayaa faraya  Hey’addaha Qaranka inay qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro luqadda Afkeena hooyo ee  Soomaaliga, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu  qalinka ku duugay wareegto arintaasi ku saabsan, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tallaabadaasi  ku tilmaamay mid lagu xoojinayo af-Soomaaliga oo muddooyinkii u dambeeyay ay  weerar bahalnimo ah ku hayeen  waxa loo yaqaano Af-Dilayaasha Caalamka, kuwaasi oo hoos u dhac xoog leh ku keenay afkeena hooyo.

Inta badan Wasaaraddaha Dowladda ayaa laga adeegsadaa luqado shisheeye, sida luqadda  Ingiriiska oo inta badan qoraalada la isugu diro, Sannadkii 2015 ayay aheyd markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu soo saaray amar lagu farayo Hay’adaha Dowladda in qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro Af-Soomaaliga, inkastoo aanu arrintaas wax badan ka dhaqan gelin.

Xeel dheerayaasha iyo af yaqaanka Soomaaliyeed ayaa rumeysan   sababaha uu Af-Soomaaliga hoos ugu sii dhacayo   inay tahay  iyadoo Xafiisyada Dowladda aan laga adeegsan, taasna ay ugu wacan tahay xubnaha Dowladda u shaqeeya  sida Wasiirada oo u badan dad qurba-joog ah  oo hadba adeegsada luqadaha looga hadlo Dalalka ay dhalashooda heystaan.

Waa guul lagu naaloon karo, waana hore u socod loo baahnaa in lagu dhaqaaqo, arintaan qaaliga ah  waxaa abaal looga hayaa oo  Amaanteeda  iyo Bogaadinteeda iska leh   Ra’iisul wasaare  Kheyre oo xil gaar ah iska saarey sidii loo daryeeli lahaa afkeena hooyo.

W/Q/Cabdulaahi Xasan Shiiqaalow

 

 

 

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.