Home Afsomali Raiisal Wasaare Xasan Bille oo Umadaha Midoobay kala hadlay sidii loogu gurman...

Raiisal Wasaare Xasan Bille oo Umadaha Midoobay kala hadlay sidii loogu gurman lahaa goobaha abaaruhu ka jiraan ( DAWWO SAWIRADA )

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey xarunta Isku Xirka Gurmadka Abaaraha u qaabilsan Qaramada Midoobay, wuxuuna warbixino ka dhageystay qaar ka mid ah Hay’addaha gacanta ku haya xog-uruurinta xaaladihii ugu danbeeyey ee Abaaraha ka jira dalka.

Xasan Cali Kheyre ayaa kala hadlay Hay’addaha Qaramada Midoobey in la mideeyo isla markaana la isku dheeli-tiro habka gar-gaarka loo gaarsiinayo deegaanada abaaruhu ka jiraan, lana wadaago macluumaadka ku saabsan meelaha ugu daran ee u baahan gar-gaarka deg-degga ah, gaar ahaan dawladda iyo Qaramada midoobey, maadaama ay jiraan dadaalo kale oo gurmad ah oo ay fidinayaan Guddiga Qaranka ee Gurmadka Abaaraha iyo hay’addo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, waxayna isla soo qaadeen sidii Qaramada Midoobey ay gurmadku deg-deg ugu gaari lahaa goobaha ay sida daran u saameysay Abaartu.

IMG 7025
IMG 7008
IMG 6936
IMG 6971

 

—-DHAMMAAD—-

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.