Home Afsomali Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo turkiga kulan kula yeeshay gacansatadii halkaa...

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo turkiga kulan kula yeeshay gacansatadii halkaa shirka uga qeybgashay (DAAWONSAWIRADA)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan kula yeeshay Magaaladda Istanbul ee Dalka Turkey Ganacsatadii Soomaaliyeed ee ka qaybgasha Shirkii Maalgashiga Soomaaliya ee Somali/Turkish Business forum si weyna u Amaanay Hawsha xoog leh ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershaduhu wado.

Shirkaan uu soo xiray Ra’isul wasaare Kheyre oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa ujeedada laga lahaa waxa ay aheyd in lagu dhiiri geliyo ganacsatada turkiga in ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, arintaas oo intii shirku socday aad loo falanqeeyay.

Ra’isul wasaare Kheyre oo Khudbad ka jeediyay Shirkaasi ayaa waxaa uu sheegay in uu kaga mahadcelinaayo dadaalladda ay muujisay Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya.

Kheyre waxaa uu Ganacsatadda dalka Turkiga uu ka codsaday in ay Soomaaliya maalgashi ay ku sameeyaan.

Shirkan oo daba socday shirkii hore uga dhacay Magaalada Ankara ee isla dalka Turkiga ayaa ganacsatada Soomaaliya uga qeyb gashay waxaa hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Maxamed Xayir Maareeye.

Ganacsatada Turkiga iyana waxaa hormuud u ahaa Mr. Deik oo Dalka Turkiga u qaabilsan Hay’adaha xiriirka dhaqaalaha dibadda.

Xiritaanka shirka kadib Ra’iisul wasaaruhu wuxuu wakhti la qaatay qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan dalkan Turkey isagoo markii dambe usoo amba-baxay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.