Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay Ee...

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Arrimaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, ahna isku dubba ridka arrimaha gargaarka dalka, Adam Abdelmoula.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Adam Abdelmoul ayaa looga hadlay barnaamijyada dib-u-habeynta, mashaariicda horumarineed ee qaramada midoobay ay ka sameyso Soomaaliya iyo sidoo kale arrimaha gargaarka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Qaramada Midoobay uga mahad celiyay taageeradeeda dadaallada dib-u-habeynta iyo fulinta mashaariicda horumarinta ee qaybta ka qaadanaya gaarimadda mililooyinka ummadda Soomaaliyeed.

BG5I1044
BG5I1061
BG5I1094

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.