Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ku Baaqay In La Dardar-geliyo Wadahadallada Dowladda...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Ku Baaqay In La Dardar-geliyo Wadahadallada Dowladda federaalka iyo Somaliland

Ra’iisul wasaare ku-xigeena xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku qaabay in la dar-dargeliyo wadahadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in miiska wadahadalka la isugu yimaado oo wada-hadal dhab ah la galo, laga doodo hannaanka ugu habboon ee looga shaqeyn karo danaha iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa bishaan gudeheeda magacaabay Guddiga dhab-u-heshiisiinta iyo wada-hadalka dowladda federaalka iyo Somaliland si ay uga shaqeeyaan sii wadidda wada-hadalka oo la qorsheynayo in lagu gaaro tub wadahadal oo saldhig u noqota mustaqbalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.