Home Afsomali Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xildhibaan maareeye u magacaabay in uu noqdo...

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xildhibaan maareeye u magacaabay in uu noqdo wasiirka beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xildhibaan maareeye u magacaabay in uu noqdo wasiirka beeraha iyo waraabka ee Xukuumada danqaran  .

Ra’isl Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wareegto uu soo saaray xilalka uga qaaday labo wasiir oo katirsan xukuumadiisa, kuwaa oo la shegay in Ra’isul Wasaaraha iyo iyaga uu khilaaf soo kala dhax galay.

Xamse Barre ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Madoobe Nuunow iyo wasiirkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xil Ismaaciil Abdirahman Sh.Bashir .

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa wareegtada uu soo saaray ugu magacaabay Maxamed Cabdi Xayir Maareeye in uu noqdo wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, halka Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay isna loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud.

Magacaabista iyo xil ka qaadista labadan wasiir ayaa imaaneysa xilli wali ay bannaan yihiin boosas saddex wasaaradood oo kala ah Wasaaradda arrimaha Dibadda, Wasaaradda Amniga iyo Wasaaradda Haweenka iyo Qoyska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.