Home Afsomali Rw Rooble oo hakiyay doorashada beellaha Banaadiriga si loo xaliyo khilaafka ka...

Rw Rooble oo hakiyay doorashada beellaha Banaadiriga si loo xaliyo khilaafka ka taagan

Rw Rooble oo hakiyay doorashada beellaha Banaadiriga si loo xaliyo khilaafka ka taagan

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka jawaabay  eedeyn ka timid beellaha Banaadiriga oo ku aadan doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka.

Rooble ayaa hakiyay doorashada kuraasta beellaha Banaadiriga inta laga xalinaayo khilaafka taagan

War uu soo saaray Rooble ayaa siddaan u qornaa:

”Waxaa cabasho iga soo gaartay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Golaha Shacabka ee Banaadiriga.

Si loo xalliyo cabashadaas, waxaan magacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Inta cabashadan xal loo helayo, waxaan farayaa guddiga SEIT ee Banaadiriga in ay hakiyaan qabashada doorashada kuraasta Banaadiriga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.