Home Afsomali Sababata loo qabqabtay 100 dhallinyaro ah oo doonayey …..

Sababata loo qabqabtay 100 dhallinyaro ah oo doonayey …..

Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in gacanta ku dhigeen in ka badan boqol dhallinyaro oo u dhashay dalkaasi , kuwaa oo la sheegay in ay doonayeen in ay ku biiraan dagaalyahanada Al Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.

War kasoo baxay ciidamada difaaca dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in gacanta ku dhigeen in ka badan 100 dhallinyaro ah oo doonayay in dalka ka dhoofaan kuna biiraan kooxda Al Shabaab .

Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa sheegay in dhallinyaradan loogu sheekeeyay in ay dalka isaga baxaan oo ay ku biiraan Al-Shabaab, waxaana ay intaa ku dareen in kooxda Al-Shabaab ay isku dayaysa in ay gudaha u galaan dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa horey u shaacisay in ay dileen dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab, kuwaa oo doonayay in ay gudaha u galaan dalka Itoobiya kana sameestaan saldhigyo ay weeraro ka abaabulaan.

Previous articleWararkii ugu dambeeyay howlgallo ka socda degaanka Wabxo
Next articleMahad Maxamed Salaad oo safar ku jooga dalka Ethiopia ( DAAWO SAWIRADA )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.