Home Afsomali Sababata Madaxweyne Xassan Shiikh mar kale ugu wajahan degaanada Puntland

Sababata Madaxweyne Xassan Shiikh mar kale ugu wajahan degaanada Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la filayaa inuu dhawaan mar kale tago degaanada Puntland sida ay ku warameen ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa la sheeegay inuu yahay mid ku wajahan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Xassan Shiikh uu daahfurayo mashaariic ay magaaladaas ka hirglisay Puntland kuwaasoo uu ka mid yahay balaarin lagu sameeyey Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Ilo wareedyo kale ayaa ku warramaya in sidoo kale uu tababar u farayo ciidamo heer federaal ah oo ay tabbarayso dowlada Imaaraadka Carabta.

Dhowaan ayey aheyd markii Madaxweyne Xassan Shiikh uu booqday degmada Garacad, isagoo xariga ka jaray deked ay xeebta degmadaas ka dhisteen ganacsato ka soo jeeda Puntland.

https://youtu.be/XQdNUfoaspI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.