Home Afsomali Sacuudiga oo Shiinaha u gacan gelinaya dad Muslimiin ah & walaac laga...

Sacuudiga oo Shiinaha u gacan gelinaya dad Muslimiin ah & walaac laga muujiyey

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa walaac ka muujiyay waxa ay ku tilmaameen qorshaha Sucuudiga uu dalkiisa uga tarxiilayo labo nin oo kasoo jeedo Muslimiinta laga tiro badan yahay ee Shiinaha.

Human Rights Watch, ayaa sheegtay in masaafurinta nin lagu magacaabo Xamdallah Abd al-Wali, oo booqanayay Maka bishii Febraayo 2020 si uu u soo guto waajibaadka Xajka, iyo Nurmimit Rozi, oo 46 jir ah, oo loo masaafurinayo Shiinaha ay tahay arrin halis ah, oo ku saabsan xarig aan loo meel dayin iyo jirdil loo geysanayo labadaas qof.

Sida ay sheegtay hay’addu, labada nin oo kasoo jeeda gobolka Xinjiang ee waqooyi-galbeed ee Shiinaha, ayaa lagu hayaa xabsi ku yaalla magaalada Jeddah.

Shiinaha ayaa sare u qaaday Shantii sano ee lasoo dhaafay, howlgallada uu ka wado gobolka Xinjiang, iyagoo sheegay inay gobolkani ka wadaan la dagaalanka argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.