Home Afsomali Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Uganda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Uganda

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa ku wajahan booqasho rasmi ah oo ku tagaya Dalka Uganda sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweynaha ayaa lagu waddaa in uu halkaasi  kulla kulmo dhiggiisa,Yoweri Museveni, sida ay xaqiijiyo ilo ku dhow xafiiskiisa.

Uganda ayaa ka mid ah waddamada ay ciidanka ugu badan ka joogaan Soomaaliya , waxaana labadii maalin ee u dambeysay ku sugnaa Wasiirka difaac , Cabdulqaadir Maxamed Nuur , taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo la kulmay dhiggiisa iyo Saraakiisha sare ee dalkaa .

Uganda ayaa noqon doonta dalkii 8aad ee uu booqdo madaxweyne Xasan tan iyo markii la doortay 15 May ,isagoo horey u tagay Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Tanzania iyo Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.