Home Afsomali Sanator dube oo ku baaqay in dorashada laga daayo milxiiska niqaaban

Sanator dube oo ku baaqay in dorashada laga daayo milxiiska niqaaban

nin ku guuleeystay Tartan uu la galay Walaashiis oo aan markii horaba ku haysan kaalinta koowaad

Hadhoow Adoo Caban Doona Hadeer Ha ii Hambalyeeyn waa afeef aan u dhahayo sidii In uu yiri nin ku guuleeystay Tartan uu la galay Walaashiis oo aan markii horaba ku haysan kaalinta koowaad

Hadii aad sii ogtahay natiijada tartan aan Bilaaban ma,ahan in aad isku daalisid Hambalyeeyn aad ogtahay in ay ku dhaceeyso Meel cidlo ah

Tartamada waayahan waxay noqdeen kuwo la dhihi karo baryo xoogtan, hadaan kuu sii fasiro Baryo xoogtan waa Awood sheegasho boob iyo Maslaxad wada socda oo hoos ka guux badan leh.

ii ogolow in aan kaa guuleeysto ,si xamaasad leh ha iila tartamin ,aan kaa badiyo iyo hadii kale ,, oo u dhiganta hanjabaad aan kuu daayay Dhamaystirkeeda waxa ku xiga.

Halkudhiga musharaxiinta wata malxiiska boos celiska ah ayaa u batay sidaas, iyada oo tartan walba sidii uu ku biloowdo uu ku dhamaanayo , maxaad u maleeynaysaa halista ka dhalan karta hadii tartanka hogaanka guud ee dalka uu sidaas ku dhaco ?

W,Q Elmi Osman Farah Boodhari

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa si adag uga hadlay musuq maasuqa hareeyay doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dubbe ayaa ku baaqay in doorashada Aqalka Hoose ee dhawaan dalka ka bilaabatay noqoto mid hufan oo lagu tartamo lagana dhaafo malxiiska si ay micno u yeeshaan doorashooyinka.

Waxa uu codsaday Wasiir Dubbe in doorashada laga daayo malxiiska ama ugu yaraan laga dhaafo malxiiska niqaabka xiran uu kala jeeday Haweeneydii dhawaan la tartantay Raisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mahadi Guuleed.

Guddiyada Doorashada waxaan leeyahay halaga daayo doorashada Malxiiska, hadii aan laga deyn walbo halaga dhaafo midka niqaabka xiran ” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili doorashada Golaha shacabka ka bilaabatay Muqdisho, waxaana kuraastii ugu horeesay durba ku bilaabatay qaab musuq maasuq ah iyadoona labada musharax ee guuleestay ay wateen xubno malxiis ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.