Home Afsomali SAWIRO Dowladda Soomaaliya oo Maanta Ciidamo farabadan geeysay degmada Ceelbarde

SAWIRO Dowladda Soomaaliya oo Maanta Ciidamo farabadan geeysay degmada Ceelbarde

Waxaa Maanta degmada  Ceelbarde ee Gobolka Bakool la geeyay Ciidamo aad u faarbadan oo Millateri ah, kuwaas oo diyaarado looga qaaday magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka BAAY.

Ciidamadaan oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa loogu talo galay inay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo tuulooyinka hoostaga degmada  Ceelbarde ee Gobolka Bakool.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka, Maamulka degmada ceelbarde iyo Odayaasha Dhaqanka degmadaas ayaa Magaalada kusoo dhaweeyay Ciidamada, iyada oo la dejiyay Goobo gaar ah oo loo diyaariyay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii degmada ceelbarde lagu soo bandhiga Shacab isugu jira rag iyo dumar oo hubka qaatay, kuwaas oo sheegay inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.