Home Afsomali Shabaab saaka hiirtii hore ka dagalamay meel aan ka fogeyn mabadweyne

Shabaab saaka hiirtii hore ka dagalamay meel aan ka fogeyn mabadweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal aroornimadii hore ee saakay ku dhexmaray deegaanka Baardheere ee gobolka Hiiraan ciidamada di xoreynta deegaanka oo garab ka helaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab oo kasoo talaabay Wabiga Shabeelle dhankiisa Galbeed ay weerar ku qaadeen Saldhig deegaanka Baardheere ay ku lahayeen ciidanka dib u xoreynta deegaanka iyo kuwa dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Wali si rasmi ah Looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay Baardheere oo ahaa mid aad u xoogan oo dhawaqa hubka labada dhinac isku adeegsanayeen laga maqlaayay deegaano ka baxsan halka uu ka dhacay dagaalka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo kasoo gudba Wabiga Shabeelle ay weeraraan fariisimaha ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaanada dhaca Bariga gobolka Hiiraan oo Al-shabaab horay looga saaray.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in dagaalamayaashii Shabaab ee weerarka ku qaaday saakay deegaanka Baardheere ee Koonfurta Baledweyne iney ka gudbeen Wabiga Shabeelle oo markii horaba ay kasoo gudbeen.

Previous articleTurkiga oo dowlada Somalia ugu deeqay gaadiid dagaal oo hor leh Daawo sawirada
Next articleDagaal shabaab guulo ka sheegtay oo ka dhacay Jubbalanad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.