Home Afsomali Shariif Sheikh Axmed adaa lasugaayaye sama ku waare soo dhawoow

Shariif Sheikh Axmed adaa lasugaayaye sama ku waare soo dhawoow

Madaxweynihii Hore ee Dowladii KMG aheyd ee somaliya sheikh Shariif Sheikh axmed oo dalka dib ugu soo laabtay 4 sabno ka dib ayaa si aad u weyn shacab iyo masuuliyiin dowladeed ugu soo dhaweeyeen Magaalada Muqdisho.

waxaana uu socod nabadeed ku soo marey inta u dhaxeysa garoonka Diyaarada ilaa iyo hoyga uu ka dagay magaalada halkaasi oo uu gacan qaad ka soo bilaabay xili ay wadada hereertee safnaayeen boqolaal dad ah oo isaga taageero u muujinayey .

sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo shacabkii soo dhaweynayey ayaa mar uu is dhaxgalay iyada oo aan ku dhaxjirin wax ciidan ah waxaana ka wada muuqday farxad iyo reyn reyn.

Sheikh shariif ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybqaatay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada faradalka oo isu jirey Xildhabaano saraakiil ciidan iyo sidoo kale masuuliyiin horey xilal kala duwan uga soo qabtay dalka siyaasiyiin aqoonn yahano waxgarad shacab  masuuliyiintii ay wada shaqeyn jireen iyo ciidamo .

waxaana tagaeerayaashiisa ay siteen boorar ay ku qoraayeen ereyo muujinaya sida ay u tagaersan yihiin iyo funaanado sawriadiisa lagu xardhey .

Madaxweynihi hore ee dowladii KMG aheyd Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa soo dhaweyntiisa waxa ay u dahcday si aan la fileyn xili  dowladu amaro ka soo saaratay in ay saxaafadu gudaha u galaan garoonka diyaaradaha Muqdo 60 maalmood ah

waxaana wadadii uu u marayey hoygiisa hareer tubnaa boqolaal taageerayaashiisa ah oo ruxayey caleemo qoyan iyo kooxda barbaarta gaashaaman oo halkaa ku soo bandhigay suugaan ay ku cabireyeen dareenkooda ku aadan tageerida Shariif Sheikh  Axmed adaa lasugaayaye sama ku waare soo dhawoow lagumana saluugsanee sama ku waare soo dhawoow mahad waxa aleh mowlaheey ee mugs u msrxabeeya waa mutee .

Musharax madaxweyne ee Doorashada soo soco madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ugu danbeyntii afaafka hore ee guriga oo ka dagay magaalada Muqdisho kula hadlay boqolaal dadweyne ah ku was oo isugu soo baxay soo dhaweynta iyo marxabbeyntiisa

imaatinka madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa fura u nqoneysa in ay dalka dib ugu soo laabtaan dhamaan musharaxiinta u tartameysa xilalka kala duwan ee doorashada fooda inagu soo heysa waxaana la filayaa in ay maalmaha soo socdo yimaadaan inta kale ee dhiman .

 

3 COMMENTS

Leave a Reply to Abdi Salan Isse Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.