Guddoonka labada Gole ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku xigeenada labada gole ayaa ka qaybgalay fadhiga kulanka wadajirka ah oo ajandihiisu ahaa warbixinta akhrinta 2-aad ee xeerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka.
Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday heerka qoondaha ku noqoshada Miisaaniyadda 2023-ka, iyadoona su’aalo laga weeydiiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xange, iyo masuuliyiinta kale ee ka socday Wasaaradda.
Xildhibaanada labada aqal ayaa su’aalo iyo talo soo jeedin u jeediyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda XFS, iyo Guddiga Maaliyadda labada aqal, waxaana ay ka jawaabeen su’aalihii loo soo jeediyay.





+38
Like
Comment
Share