Barasho_Horteed_Qofna_ha_Nicin!
Masuul_la_Mahadiya!
Dhawr bilood ka hor ayaa loo magacaabay xilkii ugu horeeyay ee uu ka qabto G/Banaadir, aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyay magacaabistiisa, taageerayaasha Nabad & Nolol ayaa si kalgacal leh u soo dhaweeyay magacaabista ninkaasi, halka bulshada qaarkeed ay kala hor-yimaadeen mucaaradinimo xoog leh!
Magaciisa waa Cali Cabdi Wardheere {Cali Yare}, waa Guddoomiye Ku-xigeenka G/Banaadir ee arimaha Siyaasadda iyo Amniga, hase yeeshee kooxaha ku kacsan waxa ay ugu yeeraan (Cali Jeeb Ku-jire).
Qoraallo laga sameeyay Masuulkaas oo isugu jira Ammaan iyo Dhallil ayaa dhawr mar lagu baahiyay Baraha bulshada, Nasiib wanaag maanta ayaa booqday xarunta uu ku shaqeeyo mudanahaasi oo ku dhex taallo aqalka D/Hoose ee magaalada Muqdisho.
Dhal-dhalaal, qurux iyo bilic ku soo jiidanaysa ayaa ishaydu qabatay markii aan ka soo galay albaabka hore ee Xarunta G/Banaadir, horey ayaa u sii dhaqaaqay, roog cagaar ah oo dhulka la dhigay ilaa xafiiska Cali yare ayaa ku sii lugeeyay, degganaan shaqo ayaa iiga muuqatay xafiisyadii aan booqday.
Qaar ka mid ah madaxdii iyo hawl-wadeennadii aan la kulmay ayaa ila wadaagay Guddoomiye Ku-xigeenka Siyaasadda iyo Amniga inuu horumar badan ku soo kordhiyay maamulka G/Banaadir, waxayna ii xaqiijiyeen inuu wax badan ka qabtay is dhex-yaacii ka jiray xarunta Aqalka D/Hoose, iyaga oo ii caddeeyay in Cali Yare lagu xasuusan doono sida uu u maareeyay ciidamadii faraha badnaa ee dhex-yaaci jiray gudaha Xarunta G/Banaadir.
Hawl-wadeennadii ii sheekaynayay ayaa intaasi ii raaciyay in Cali Yare uu yahay nin Bisil oo aan aheyn sidii loo malaynayay, iyaga oo ku sifeeyay inuu yahay masuul Daacad ah oo ay ka go’an tahay sidii uu u gudan lahaa xilka uu huwan yahay.
Hubaashii waa suuragal in aan la kulmay hal dhinac oo kaliya, kuwaasi oo iga dhar-jiyay Ammaanta Guddoomiye Ku-xigeenkooda, inkasta oo taasi ay dhici karto ayaa haddana waxa aan qirayaa in aan isbadal badan ku soo arkay Guud ahaan xarunta G/Banaadir gaar ahaan xafiisyada Guddoomiye ku xigeenka oo ka duwanaa sidii aan horey ugu ogaa.
Libinta lagama xasdo walaal walba oo wanaag la yimaada, xaqiiqdii Cali Yare waa mudan yahay in lagu bogaadiyo sida uu uga soo dhalaalay waajibaadkii loo igmaday iyo horumarka uu ku soo kordhiyay halkii loo magacaabay! Hamabalyo ayaa leeyahay Masuulkaasi ku guulaystay hawshii uu Qarankiisa u hayay.