Home Afsomali Shir jaraa’id Wasiirka Gaashaandhiga XFS,Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyoTaliyaha ciidanka Amisom

Shir jaraa’id Wasiirka Gaashaandhiga XFS,Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyoTaliyaha ciidanka Amisom

Wasiirka Gaashaandhiga XFS, mudane Xassan Xuseen Xaaji, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raagge iyo Taliyaha ciidanka Amisom General Diomede Ndegeya, oo si wadajir ah maanta warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay ayaa faah faahin ka bixiyay shir 14-kii iyo 15-kii bishan April ay Muqdisho ku yeesheen Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliy iyo Amisom, kaasi oo si qoteer looga wada hadlay Ajendeyaasha muhiimka u ah qorshaha xoreynta iyo xassilinta dalka.

Wasiirka iyo taliyaasha ayaa tilmaamay in kulanka la iskula meel dhigay qorshe iskaashi mideysan oo ay ku wada howlgalayaan ciidamada Xoogga dalka iyo Amisom iyadoo mas’uuliyadda hoggaaminta howlgalada wadajirka ah ay qaadaneyso Soomaaliya markii ugu horreysay.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS, mudane Xassan Xuseen Xaaji, ayaa tilmaamay in wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeedu u diyaarsanyihiin hoggaaminta howglada wadajirka ah ee dalka looga xoreynayo Nabad-diidka Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye guuto Odawaa Yuusuf Raagge ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay in qorshaha cusub ee iskaashiga Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Amisom uu wax weyn ka taridoono dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.