Home Afsomali Shir looga hadlayey ergooyinka Jubbaland oo ku soo dhamaaday Buuq iyo...

Shir looga hadlayey ergooyinka Jubbaland oo ku soo dhamaaday Buuq iyo feer gacan ka hadal ah

kismayo

Xili Sawirada madaxweynaha maamulka Jubbaland lagu dhajiyey gaadiidka Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Kenya ayaa

Warar goor dhaw kusoo dhacay Warqabadka Wakaalada  somalisan ayaa waxey sheegayaan in kulan ka socday Magaalada Kismaayo uu buuq iyo feer ku soo dhamaaday.

Kulankaasi waxa uu ahaa mid ay Beelaha Degga Jubbaland iskugu yimaadeen islamarkaana la sheegay in lagu soo xulayey Xubnaha umateli doona Baarlamaanka Cusub Ee Soomaaliya.

Muran iyo Buuq hareeyey Kulankaasi ayaa waxa lasoo sheegayaa in feer iyo gacan ka hadal ay ka tagtay ka qeyb galayaashii kulanka.

Odayaal dhiig ka baxayey ayaa lagu arkay kulanka sida ay goob joogayaal ay sheegeen waxaana dadka la feeray ku Jira C/raxmaan Dheere oo mar wasiiru dowle kasoo noqday Xukuumadii Soomaaliya.

1 COMMENT

Leave a Reply to Osman Wadni Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.